Booliska Somaliland oo soo saaray awaamiir culus oo dhanka socdaalka iyo amniga ah

Taliska Booliska Somaliland ayaa soo saaray awaamiir cusub oo lagu adkeynayo  qaadashada kaarka aqoonsiga ee muwaadiniinta, gaar ahaan kuwa u kala safraya gudaha deegaanada Somaliland, talaabo lagu sifeeyey mid lagu galayo feejignaan sare oo nabadgalyada la xariirta.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland, Gaashaanle Sare Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil, ayaa sheegay in go’aankan cusub uu ka dhashay baahida loo qabo sugidda amniga guud, wuxuuna muwaadiniinta ku booriyay inay si buuxda u qaataan kaarkooda aqoonsiga oo ay kala shaqeeyaan amniga laamaha kala duwan ee amniga.

“Qofkasta oo muwaadin ah oo u safraya Gobollada waa inuu sitaa Kaadhkiisa Aqoonsiga Somaliland,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Sidoo kale, wuxuu faray dadka leh goobaha Hoteelada iyo meelaha la seexdo inay qof walba ka hayaan macluumaad ku aadan xogtiisa socdaal.

Taliska Booliska ayaa intaa ku daray in tallaabadan lagu xaqiijinayo nabadgelyada guud, isla markaana loo adeegsan doono kormeer iyo hubin joogto ah oo lagu sameynayo goobaha laga safrayo iyo goobaha kale ee muhiimka ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed