Booliska maamulka Dowlad Deegaanka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal baaris oo ay ka sameeyeen xaafad ka mid magaalada Jigjiga ay ku soo qabteen nin ay ku sheegeen in uu dad ku qiyaami jiray fariimaha been abuurta ah ee lacagaha danabdeysan.
Ninka la soo qabtay oo Magaciisa Maxamad lagu soo koobay, laguna qabtay xaafadda 17-aad ee Jigjiga ayaa adeegsan jiray sida hadalka loo dhigay farsamo khiyaano ah si uu dadka uga dhaco lacag iyo in uu xiriir la leeyaahy kooxaha qaabkiisa wax u dhaca, halka la tilmaamay in gabar uu ku dhacayey ay booliska la soo xariirtay.
“Waxa la qabtay ka dib markii uu gabadh uu ka adeeganayay u diray farriin been abuur ah (copy), kuna yidhi, “Ka eego lambarkaaga lacagta, qaybna caddaan igu sii.” Gabadha ayaa shakiday, iyadoo dareentay inaan wax lacag ahi soo gelin hadhaageeda, kadibna booliska lasoo xidhiidhay” ayaa lagu yiri fariinta Booliska.
Ciidamada Booliska Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa intaasi ku daray in ninkan la qabtay lagu wadaa baaris, iyada oo kooxaha tuugada ah ay dad badan dhibane u yihiin, waxaana ay tilaameen in la filayo in dhammaan xubnaha shabakadda la soo qaba doono.
HBN ONLINE TV

