Booliska Maamulka Galmudug iyo kan gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay rag lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerar dhimasho iyo dhaawac sababay oo dhowaan ka dhacay deegaanka Guudoole ee gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu dilay haweeney, laguna dhaawacay carruurteedii.
Eedeysanayaashan ayaa markii falku dhacay u soo baxsaday magaalada Muqdisho, balse ciidamada ammaanka ayaa ku guuleystay inay gacanta kusoo dhigaan kadib howlgal qorshaysan, sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska Booliska Galmudug.
Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Galmudug, Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin, ayaa xaqiijiyay qabashada raggan oo tiradoodu gaareyso 6 xubnood, isagoo sheegay in ay ahaayeen kuwii si toos ah uga dambeeyay sida uu hadalka u dhigay weerarka lagu dilay hooyada, laguna dhaawacay carruurteeda, kaasoo loo aaneynayo aano qabiil.
Gaashaanle Sare Maalin ayaa intaas ku daray in baaritaan lagu wado eedeysanayaasha, islamarkaana loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si sharciga loo marsiiyo, isla markaana cid kasta oo ku lug leh falalka noocan ah la horgeyn doono cadaaladda.
Ragga la qabtay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdikafi Maxamed Axmed, Cabdulhi Xasan Daahir, Maxamed Cabdi Cabdulle, Suudi Daahir Kaahiyo, Qaasin Axmed Jimcaale, iyo Maxamed Cabdi Xeedar, kuwaas oo dhammaantood lagu qabtay iyagoo dhaawac ah.
Taliyuhu wuxuu xusay in ciidamada Galmudug iyo kuwa laamaha kale ee amniga ay sii wadi doonaan howlgalada lagu sugayo ammaanka, laguna daba-galayo kooxaha ku lugta leh falalka aanada iyo colaadaha beeleed ee ka dhaca deegaannada maamulkaas.
Dilkaan wuxuu ku soo aadayaa, xili deegaanka Marcaanyo ee gobolka Galgaduud lagu dilay Hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, kuwaa oo salka ku hayo aano qabiil. Laba maalin kadib dilkaasi waxaa loo soo qabtay seddex eedeysane. Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa 5 bishaan mudaysay in dib loo furayo kiiska edaysanayaasha.
HBN ONLINE TV

