Booliiska Hargeysa oo ka warbixiyay dil laga qof loogu gaystay magaalada

Taliska Booliska Somaliland ayaa ka warbixiyay dhacdo dil ah oo si toos ah looga fuliyay magaalada Hargeysa, gaar ahaan goob gaadiidka laga raaco oo ku taalla meel suuq ah, halkaas oo laba ruux si arxan darro ah loogu toogtay.

Booliska oo dhacdada hadlay ayaa sheegay in falkan uu ahaa mid horey loo sii qorsheeyay, ayna tilmaamayaan raadadka iyo caddeymaha laga helay goobta uu falka ka dhacay. Qofka dilka geystay ayaa lasoo wariyay inuu is qariyay isagoo huwan dhar uu isku qamirayay si aan si sahlan lagu aqoonsan, kadibna uu si toos ah madaxa uga toogtay labada marxuum.

Labada qof ee la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Khadar Ibraahim Maxamed, 23 sano jir ah iyo Suldaan Axmed Cabdillaahi, 22 sano jir. Falka kadib, ninkii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, lamana hayo illaa hadda.

Si kastaba ha ahaatee, Booliska Somaliland ayaa sheegay inay hayaan raadad muhiim ah iyo cadeymo la xiriira eedeysanaha, ayna ku howlan yihiin sidii loo qaban lahaa.
“Falku siduu u dhacay, fal qorsheysan buu ahaa. Wuxuu adeegsaday xeelado si aan si fudud loogu soo qabannin. baf buu inta xabadda kasiiyey buu dabeeto dusay,” ayaa lagu yiri warbixin kasoo Booliska.

Booliska ayaa farriin u diray shacabka magaalada Hargeysa, iyagoo ka codsaday in ay la shaqeeyaan oo xog kasta oo la xiriirta eedeysanaha ay si degdeg ah ugu soo gudbiyaan si cadaaladda loo helo. Booliisku waxa ay ballanqaadeen inay bulshada la wadaagi doonaan xogta rasmiga ah ee falka marka ay dhamaystiraan baaritaankooda ama ay gacanta ku soo dhigaan eedeysanaha.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed