Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si weyn u soo dhaweeyay hindisaha uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay 29-kii bishii aan ka soo gudubnay ee Maarso, taas oo ku saabsanayd in la sameeyo madal wada-tashi ah oo ay isugu yimaadaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed.
Madasha la soo jeediyay ayaa ujeedkeedu tahay in la mideeyo aragtida iyo dadaallada hoggaamiyeyaasha Soomaaliya si ay door muuqda uga qaataan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab iyo dhismaha dowlad federaal ah oo ku saleysan dimuqraadiyad.
Beesha caalamka ayaa caddeeyey in midnimo iyo istaraatijiyad wadajir ah ay muhiim u tahay guusha laga gaari karo la dagaallanka Al-Shabaab iyo dadaallada dowlad-dhiska Soomaaliya.
Waxay sidoo kale soo dhaweeyeen wararka sheegaya in hoggaamiyeyaasha kala duwan ee siyaasadda Soomaaliyeed ay si wanaagsan u taageereen hindisahaas madasha.”Saaxiibada beesha caalamku waxay soo dhoweynayaan soo-jeedinta lagu qabanqaabinayo madal ay iskugu yimaadaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo in aragtiyadooda iyo dadaalladooda ay qeyb uga noqdaan la dagaalanka argagixisada iyo dhismaha hannaan dowladeed oo dimuqraadi ah kuna dhisan nidaam federaal ah” ayaa lagu yiri warka Beesha caalamka.
Waxaa la sii warka “Istaraatijiyad midaysan oo loo dhan yahay ayaa lagama maarmaan u ah in laga guuleysto Alshabaab iyo in lasii amba-qaado arrimaha hortabinta u leh dowlad-dhisidda Soomaaliya. Waxaan soo dhoweyneynaa jawaab-celinta togan ee siyaasiyiin Soomaaliyeed ee hormuudka ah ay ka bixiyeen hindisahan”.
Sidoo kale, Beesha Caalamka ayaa sheegay inay ku boorrinayaan Dowladda, Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, saamilayda siyaasadeed iyo kuwa bulshada inay si dhakhso leh u kulmaan si loo xaqiijiyo fal-celin midaysan oo wax-ku-ool ah oo ku aaddan dagaalka socdo ee Alshabaab, fal-celintaas oo ah sida hadalka loo dhigay “arrin mudnaan degdeg ah u leh amniga qaranka. Tallaabo degdeg ah oo ku salaysan go’aan cad oo ay qaadaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed, ayna u qaadaan dhanka arrimo ay ku jiraan siyaasadda qaranka, dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka”, iyagune bixinayaan taageero dheeraad ah.
Dhanka kale, waxay ku bogaadiyeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya & Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) dadaalka ay ugu jiraan ka-hortagga is-ballaarinta Alshabaab ee Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.
Xubnaha ku saxiixnaa bayaanka ayaa kala ah Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Austria, Belgium, Denmark, Jabuuti, Masar, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Hungary, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta, Norway, Ruushka, Spain, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Britain, Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.
HBN ONLINE TV