War ka soo baxay Beesha caalamka ayaa lagu soo dhaweysay gogosha wada-hadal ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo mucaaradka loogu baaqay inay si wax dhisid leh uga qeyb galaan kulanka la qorsheeyay.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu taageersan yahay casuumaadda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS u fidisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, taas oo la xiriirta kulan looga arrinsanayo mudnaanta qaran iyo arrimaha siyaasadeed ee taagan.
UNTMIS ayaa tilmaamtay in wada-hadalladu muhiim u yihiin xallinta khilaafaadka jira iyo horumarinta geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay si niyad-wanaag iyo masuuliyad leh uga qeyb qaataan.
“Waxaan markale ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh inay si wax dhisid leh, niyad wanaag leh uga qeyb qaataan wada-hadallada, iyadoo danaha shacabka Soomaaliyeed ay noqdaan mudnaanta 1-aad,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Qaramada Midoobay.
Kulankan ayaa lagu wadaa inuu qabsoomo Axadda todobaadka dambe oo ku aadan 10-ka bishaan May 2026, kadib casuumaad rasmi ah oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh u diray Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Wadahaladii hore ee Mucaradka iyo DFS ayaa 22-kii bishii labaad ee sanadkan 2026 ku soo idlaaday natiijo la’aan, iyada oo aan wax heshiis ah laga gaarin. Laba maalin ka dib fashilka shirkii Madaxtooyada Soomaaliya ka socday, war warsaxaafadeed adag oo ay soo saartay DFS ayey ku eedeysay qaar ka mid ah mucaaradka inay miiska la yimaadeen qodobo ka baxsan ajandihii lagu heshiiyey, isla markaana aan lahayn sal dastuuri ah.
Siyaasiyiinta mucaaradka ee Golaha Mustabalka shalay waxay sheegeen in ay wadatashiyo la yeesheen sida ay ku doodeen bulshada Gobolka Banaadir, ayna diiradda saareen waxa ay ku tilmaameen “hubanti la’aan siyaasadeed” iyaga oo ay soo saareen ku sheegay in muddada dastuuriga ah ee Madaxweynaha ku eg tahay 15-ka bishaan May 2026, ayna aqoonsan yihiin oo kaliya dastuurka 2012 iyo in wixii ka dambeeya ay qaadan doonaan mowqif siyaasadeed oo adag, halka ay ku baaqeen in la diido doorashooyin ay ku tilmaameen “kuwo aan hufnayn”.
HBN ONLINE TV

