War Saxaafaeed si wadajir ah oo ka soo baxay beesha Caalamka ayaa loogu baaqay in la qaboojiyo xiisadda DFS iyo Jubbaland ka dhexeysa, iyaga oo sheegay in ay ka walaacsan yihiin kor u kaca khilaafka, ka dib shirkii golaha wadatashiga qaran ee Muqdisho.
“Waxaan ku boorinaynaa dhammaan daneeyayaasha inay ka qaybgalaan doodo wax ku ool ah oo loo dhan yahay oo ku saabsan hannaanka doorashada” ayaa lagu bayaanka.
Dowlad Goboleedka Jubaland waxaa loogu baaqay in ay dib ugu soo laabato golaha wadatasgiga, si ay uga wada hadlaan wax walba oo taagan, isla markaana ay dib u soo celiyaan xiriirka kala dhaxeeya DFS ka hor inta aan la aadin doorashada.
Beesha Caalamka ayaa ku boorisay in dhammaan dhinacyada ay ka waantoobaan sida hadalka loo dhigay daandaansiga oo ay dib u galaan wadahadal furan, ka hor inta aan la dhamaystirin hannaan doorasho.
“Saaxiibada caalamku waxay Soomaaliya ka taageeraan horumarinta ajandayaasheeda dawlad-dhisidda, oo ay ku jiraan hamiga ah in si tartiib-tartiib ah loogu gudbo doorasho hal qof iyo hal cod ah iyada oo loo marayo nidaamyo codbixineed oo loo dhan yahay iyo ka qayb-qaadasho sii kordheysa” ayaa warka la sii raaciyey.
Sida oo kale waxaa la sii raaciyey “Tan waxaa ka mid ah in la helo taageero dadweyne iyo mid siyaasadeed iyadoo la horumarinayo hannaanka doorashada, iyo waqti macquul ah oo lagu dhammaystiri karo, kaas oo loo dhan yahay, si weyn loo aqbalay, la gaari karo, oo dammaanad qaadaya amniga iyo xasilloonida qaranka”.
War saxaafadeedka waxaa ku saxiixnaa, Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Jabuuti, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur Goboleedka IGAD, Talyaaniga, Boqortooyada Sacuudi Carabiya (KSA), Jaamacadda Carabta (LAS) ), Qatar, Ruushka, Spain, Sweden, Switzerland, Turkiye, United Kingdom, United States iyo Qaramada Midoobay.
Inkasta oo baaqaan u muuqdo mid wax ka qaba xaaladda taagan ee Jubbaland iyo dowladd Federaalka u dhexeysa, hadana waxaa meesha yaala sida falanqeeyaashu qabaan doodo adag iyo dano siyaaseed, taasi oo sababi karta in meesha dhibaato aan la mahdin ay bulshada ka soo gaarto.
HBN ONLINE TV