Beeraleyda Golweyn oo ku eedeeyey Ciidamada Uganda Duqeyn iyo Qabsasho Dhul Beereed

Beeraleyda deegaanka Golweyn oo qiyaastii 120-km u jirta magaalada Muqdisho ayaa si adag uga cabaareeyey falal xadgudub ah oo ay ku eedeeyeen ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, ka dib markii burburka baahsan u geysteen dhul beeraad badan iyo in shaqaalaha beeraleyda ay ka cararaan goobaha shaqada.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay qabsadeen kala bar dhulka beer ku taala deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo si xoog ah u qaata wax-soo-saarka beerta, halka hadda laga cabsi qabo in ay isku dayayaan in ay inta dhiman dhulkaba la wareegaan. Beeraleyda ayaa sheegaya in ciidamada Uganda ay si joogto ah habeen iyo maalin falalkaasi ugu kacaan.

Milkiilaha beer ku taala Golweyn oo codsaday in magaciisa aan la shaacin sababo amni awgood, ayaa dalbaday in ciidamada Uganda si degdeg ah uga baxaan dhulkiisa, in la bixiyo magdhow buuxa oo ku saabsan khasaarihii soo gaaray beertiisa sideeddii sano ee la soo dhaafay, xili uu arinkaasi ku tilmaamay mid burburin ku ah noloshiisa iyo tan dadka deegaanka.

Eedeymahan cusub waxay ka mid yihiin cabashooyin hore oo ay beeraleyda iyo dadka deegaanka Shabeellaha Hoose kaga tirsanayeen ciidamada Midowga Afrika, gaar ahaan intii ay socdeen howlgaladii AMISOM iyo ATMIS. Ciidamadan ayaa horey loogu eedeeyay xadgudubyo ay ka mid yihiin dilal sharci darro ah, dhac iyo xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah.

In kasta oo marar kooban ay ciidamada qaar wajahaan maxkamado ciidan, haddana waxaa wali jira baahi weyn oo loo qabo isla xisaabtan dhab ah iyo caddaalad loo helo dadka shacabka ah ee dhibaatadu saameysey.

Waxaa intaas dheer, dad badan oo Soomaaliyeed ayaa si kulul u dhaleeceynaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku eedeeynaya in aysan qaadin tallaabo muuqata oo lagula xisaabtamo ciidamada shisheeye, marka ay ku eedeysan yihiin tacadiyo ka dhan ah dadka rayidka ah.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay ciidanka Uganda (UPDF) ama Midowga Afrika (AUSSOM) oo ka jawaabaya eedeymahan cusub ee ka soo yeeray dadka deegaanka Golweyn.

Beeraleyda ayaa ku baaqaya in si degdeg ah loo joojiyo duqeymaha, la soo celiyo dhulkooda, isla markaana loo fidiyo magdhow dhab ah, si noloshooda iyo tan bulshada deegaanka ay dib ugu soo laabato xasillooni iyo horumar.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed