Macalimiin sheegay in ay u diwaangashanyihiin Wasaaradda Waxbarasahada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya oo isugu baxay xarunta wassaradda ee Muqdisho ayaa banaanbax ka dhigay afaafka hore ee wasaaradda, kadib markii ay sheegeen in boosaskoodii lagu badalayo macalimiin kale iyo qaar kale oo masuuliyiin wataan sida ay hadalka u dhigeen.
Banaanxa Macalimiinta dhigeysay ayaa watay boorar ay ku qornaayeen ereyada ” Macalin soo shaqeeyey 11 sano in la yiraahdo iska bax xaq miya!, Boqolkii hore banaanka geey, boqolka kale boosasaka keen iyo ereyo kale”, waxaana ay sheegeen in ay ka mid ahaayeen Macalimiintii lagu aas aasay Barnaamijka “Aada Iskuulada” oo horay uu u bilaabay Madaxweynaha Soomaaliya Xaasan Sheekh xilheyntiisii hore.
Mid ka mida Macalimiinta ayaa ka dhawaajiyey in lacago aad u badan ay kaga maqanyihiin qasnada dowlada, gaar wasaaradda uu ka shaqeeyo ee Waxbarshada waxaana uu yiri “Aniga lacagta ii maqan Wasaaradda Waxbarashada kun doollar korey u dhaaftay markaan xisaabiyey, yaan u raacanayaa, yaa ii haayo isiinaayo”.
Mcalimiinta banaanbaxa dhigay ayaa ka codsaday Madaxda sare ee dalka in arintaan ay soo fara galiyaan oo wax ka qabtaan xaqooda laduudsiinayo, ayna aqbali karin in boosaskoodii dad kale lagu belo.
HBN ONLINE TV

