Bannaanbaxyo waa wayn oo ka bilowday magaalada Nairobi

Dalka Kenya ayaa maanta waxaa ka bilowday dibadbaxyo iyo shaqo joojin ballaaran oo looga soo horjeedo sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka.

Darawallada gaadiidka dadweynaha, tagaasida iyo mootooyinka ayaa hakiyay shaqadii ay hayeen si ay cadaadis ugu saaraan dowladda in la dhimo qiimaha shidaalka.

Shaqo joojintan ayaa sababtay in dad badan ay ku adkaato gaarsiinta goobahooda shaqo iyo ganacsi, ayna ka mid yihiin Soomaalida dalkaasi ku nool, iyadoo waddooyinka lagu arkayay dad fara badan oo lugeynaya maadaama gaadiidku yaraaday.

Kororka shidaalka ayaa Sidoo kale sare u qaaday qiimaha maciishadda, taas oo shacabka ku sii kordhisay culayska nololeed.

Shirkadaha gaadiidka dadweynaha ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqay in ay kordhinayaan qiimaha rakaabka ilaa 50 boqolkiiba, arrintaas oo sii kicisay caro shacabka iyo darawallada. Dibadbaxyada ayaa si gaar ah uga xooggan magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Dad badan oo Soomaali ah oo ku nool magaalada ayaa sheegay in ganacsigooda uu hakad galay, halka qaar badan ay lug ku tageen goobahooda shaqo iyo suuqyada.

Saameynta mudaharaadyada ayaa gaartay iskuullada iyo ganacsiyada, iyadoo iskuullo badan maanta la xiray, gaar ahaan Nairobi.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed