Magaalooyin badan oo ka tirsan gobolka Sanaag ayaa weli waxaa ka socda bannaanbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dilkii Caaqil Cumar Cabdillaahi, oo dhawaan duqeyn diyaareed ku dhintay, xilli uu ku safrayay deegaanka Jinacyo ee degmada Ceelbuh ee gobolkaasi
Mudaharaadyada oo galay maalintii saddexaad ayaa si weyn uga dhacay magaalooyinka Xingalool, Middigale, Milxo, Damalla-xarree iyo Hadaaftimo, halkaas oo shacabka careysan ay dalbanayaan in loo caddeeyo sababta ka dambeysay dilka nabaddoonkooda iyo cidda ka dambeysay.
Sidoo kale, Shacabka magaalada Hadaaftimo ayaa si gaar ah u muujiyay caro, iyagoo sheegay in aanay aqbali doonin sida hadalka u dhigeen dilkan in lagu aamusiyo, halka ay digniin ay ka direen sida hadalka u dhigeen aamusnaanta Puntland.
Mid ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa ku gooddiyay: “Waxaan ka rabnaa Puntland in naloo cadeeyo sababta loo dilay Nabaddoon Cumar Cabdillaahi, haddii aan wayno caddeynna, ogow inaan ka mid ahayn Puntland.”
Bannaanbaxyada ayaa ku socda xaalad kacsanaan leh, waxaana lagu gubay meelo badan calanka Puntland, iyadoo weli aanay jirin wax war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka ama hay’adaha amniga ee ku saabsan sababta duqeyntaasi loo geystay, marka laga reebo xaqiijnta duqeynta diyaar gaysatay.
HBN ONLINE TV