Bannaanbax ka dhan ah Ciidanka Jubbaland ee Joogga gobolka Waqooyi Bari oo ka dhacay Mandheera

Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo joogitaanka ciidamada Jubbaland ee gudaha Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ayaa waxaa dhigay dadyow badan oo isugu soo baxay magaalada.

Shacabka mudaharaadayay oo watay boorar iyo calaamado ay ku qornaayeen ereyo ay ka mid ahaayeen “ciidamadooda Jubbaland waa waajib inay baxaan” ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya inay khatar gelisay madax-bannaanida dalka, kadib markii ay ogolaatay in ciidamo sida hadalka u dhigeen shisheeye ay si xor ah ugu dhaqaaqaan gudaha gobolka.
Bannaanbaxayaasha ayaa sheegay in joogitaanka muddada dheer ee ciidamada Jubbaland, ee ka gudbay xadka inta lagu guda jiray howl-gallada amniga uu kordhiyay xiisadaha isla markaana dhaawacay kalsoonida shacabka ee ku aaddan awoodda dowladda Kenya ee ilaalinta muwaadiniinteeda.

“Meeshaan aan joogno waa BP1 waxaa jooga ciidan Jubbaland ah, waa ku dhimanay beerihii dhexdooday joogaan waana waraabsa la’nahay 10-saac kadib ma gali karno, waxay dheheen ma soo gali kartaan. Cabashadeena waa markii shanaad” ayuu yiri mid kamid ah dadka la hadlay warbaahinta, isaga oo ku eedeeyey maamulka inay wax talaabo aanu ka qaadin cabashadooda.

Shacabka ayaa si gaar ah dhaleeceyn ugu jeediyay Wasiirka Gaadiidka, Kipchumba Murkomen, iyagoo ku baaqay inuu xilka iska casilo, kuna eedeeyay dayacaad iyo in uusan wax jawaab ah ka bixin cabashooyinka amniga ee gobolka.

Dowladda Kenya wali kama aysan hadlin arrintan, hase yeeshee hoggaamiyeyaasha deegaanka ayaa uga digay in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban cabashooyinka, mudaharaadyadu ay kasii dari karaan maalmaha soo socda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed