Bannaanbax Ballaaran oo Lagu Diidan yahay Faragelin Israa’iil oo Muqdisho ka dhacay

Bannaanbax ballaaran ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga Daljirka Daahsoon, iyadoo dadweyne tiro badan ay isugu soo baxeen mudaharaad ay kaga soo horjeedaan faragelin dibadeed oo ay sheegeen inay ku soo kordhayso arrimaha Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Bannaanbaxa waxaa ka qaybgalay culimo, odayaal dhaqameed, aqoonyahanno iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo qiyamka diimeed ee dalka, isla markaana muujiyay diidmo cad oo ku aaddan faragelin kasta oo shisheeye.

Intii ay isu-soo-baxa socotay, culimada Soomaaliyeed ayaa jeediyay khudbado ay kaga digeen cawaaqib diimeed iyo bulsho oo ka dhalan kara faragelin ay ku tilmaameen mid khatar ku ah aqoonsiga iyo wadajirka ummadda, iyagoo sidoo kale fariimo u diray hoggaanka Somaliland.

Sidoo kale, bannaanbaxayaasha ayaa ku adkeystay in codkoodu yahay mid ka tarjumaya dareenka guud ee shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan difaaca diinta, qarannimada iyo midnimada dalka, iyagoo ugu baaqay hoggaamiyeyaasha siyaasadda inay ka shaqeeyaan ilaalinta wadajirka iyo maslaxadda guud ee ummadda Soomaaliyeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed