Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu jeediyey kaga hadlay xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee dalka, isagoo si adag uga hadlay banaanbaxyada mucaaradka ay ka iclaamiyeen magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda aysan oggolaan doonin dibadbaxyo hubeysan, isla markaana amniga banaanbax kasta ay masuuliyaddiisa leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu sheegay in aan la aqbali karin in dad hubeysan loo adeegsado ilaalinta banaanbaxyada ama ka qeyb noqoshadooda.
“Banaanbaxa waxaa mamnuuc ka ah hub in la soo hubeeyo dad socda oo la yiraahdo bannanbaxay qeyb ka yihiin ama ilaallinayaan. Amniga bannaanbax kasta oo laqabanayo dowladdaa ka masuul ah, iyadaa ilaallinaysa, qof gaara ma ilaallin karo, maleeshiya laguma ilaallin karo, qori aan sharciyeysneyn oo nin muwaadina la ordaayo laguma ilaallin karo. Dadka yaan la qadin oo been loo sheegi” ayuu yiri madxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale, Wuxuu sheegay in mucaaradku ay kaga baxeen sida uu ku dooday ballamihii iyo gogoshii wada-hadalka ahayd ee dowladda u fidisay, isagoo su’aalo geliyey sababaha maanta loogu asteeyey banaanbaxyada, iyadoo ay isla maanta ka socdaan dalka doorashooyin qof iyo cod ah, isla markaana dowladda ay ku baaqday shir hordhac ah oo wada-xaajood ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in arrimahaasi aysan muujinayn niyad wanaagsan, islamarkaana loo baahan yahay in laga shaqeeyo wada-hadal iyo xasilooni siyaasadeed.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hambalyo u diray shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta u dareeray doorashooyinka qof iyo cod ah ee dowladdu ku qabatay 13 degmo. Wuxuu sheegay in shacabka Koonfur Galbeed ay fureen bog cusub oo taariikhi ah, islamarkaana doorashooyinkaasi ay tusaale u yihiin waxa ay shacabka Soomaaliyeed dhab ahaan doonayaan.
“Waxaan u hambalyeynayaa shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Taariikh iyo bog cusub ayaad Soomaaliya u furtay. Dadku waxay saaka u dhaqaaqeen inay codkooda dhiibtaan, taasina waa tusaale mudan in dalka oo dhan lagu daydo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii siyaasadda dalka ay gashay marxalad aad u xasaasi ah.
HBN ONLINE TV

