Liiska rasmiga ah ee Baarlamaanka maamulka Waqooyi-Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah loo shaaciyay, kaddib dood iyo muran ka taagnaa kalsoonida lagu qabo guddiga hubinta iyo ansixinta xildhibaanada ee ay soo magacaawday Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Tirada guud ee xildhibaanada lagu dhawaaqay waa 83 xubnood, taas oo ka dhigaysa maamulka Waqooyi-Bari Soomaaliya mid kamid ah maamulada ugu xildhibaanada badan ee Baarlamaanada heer maamul-goboleed dalka.
Shaacinta liiskan ayaa furaysa wejiga cusub ee dhismaha hay’adaha sharci-dejinta iyo fulinta maamulka cusub, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda Baarlamaanku yeesho Guddoon rasmi ah, kadibna la guda galo doorashada Madaxweynaha maamulka Waqooyi-Bari Soomaaliya.
Munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday magaalada xarunta u ah maamulka, ayaa lagu dhaariyay xildhibaanada cusub, halkaas oo isla goobtaasna loo doortay Guddoomiye ku-meel-gaadh ah. Sida uu dhigayo xeerka, xildhibaanka ugu da’da weyn ayaa hoggaaminaya Golaha si ku-meel-gaadh ah, waxaana xilkan loo doortay Xildhibaan Maxamuud Salaad Warsame, oo ka soo jeeda gobolka Sool.
Golahan cusub oo ka kooban 83 xildhibaan ayaa markii ugu horreysay waxaa ku jira afar haween ah, kuwaas oo matalaya gobollada Sanaag iyo Sool, arrintaas oo loo arko tallaabo muhiim ah oo ku wajahan kor u qaadista ka qeybgalka haweenka ee hoggaanka siyaasadeed.
Sida gobollada uu ka kooban yahay mamaulka Waqooyi Barri uu kuraasta u kala helay Baarlamaanka cusub (2025–2030):
Sanaag: 37 xildhibaan
Cayn/Together: 17 xildhibaan
Sool: 29 xildhibaan
Xildhibaanada Haweenka ah ee Baarlamaanka Cusub:
Amran Axmed Xasan – Sanaag
Xaliimo Axmed Cismaan – Sanaag
Muna Cabdilaahi Maxamed – Sanaag
Fahiima Yuusuf Quuje – Sool
Golaha cusub ayaa noqonaya hay’adda sharci-dejinta ee ku-meel-gaarka ah ee maamulka Waqooyi-Bari Soomaaliya, waxaana laga filayaa inuu door weyn ka qaato dejinta sharciyada, ansixinta miisaaniyadda iyo kormeerka hawlaha fulinta siyaasadaha maamulka cusub.
HBN ONLINE TV