Baarlamaanka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa maanta doortay guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada, kadib doorasho dhacday Laasacaanood oo si gaar ah isha loogu hayey, iyadoo ay ka qaybgaleen xildhibaanada golaha.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dr. Aadan Cabdullahi Aw-Xasan ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari, isagoo helay 53 cod, halka Musharaxii la tartamay, Cabdiqafaar Dheeliye, uu helay 29 cod, waxaana xumaaday 1 cod.
Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Marwo Amran Axmed Xasan ayaa ku guuleysatay xilka Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad, kadib markii ay heshay 57 cod, halka Musharaxa la tartamay, Xildhibaan Axmed Maxamed Axmed, uu helay 20 cod, waxana xumaaday 2 cod.
Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Xildhibaan Cabdirisaaq Jaamac Warsame ayaa ku guuleystay xilkaasi, isagoo helay cod aqlabiyad ah.
Doorashadan ayaa horseeday in Baarlamaanka Waqooyi Bari uu yeesho guddoon dhameystiran, taas oo fududeynaysa shaqooyinka sharci dejinta iyo howlaha kale ee baarlamaanka.
Doorashada guddoon dhameystiran waxay Baarlamaanka Waqooyi Bari siinaysaa sharciyad iyo awood dhameystiran oo uu ku fuliyo hawlihiisa sharci-dejineed.
Xiliyada soo socda ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo wakhtiga la qaban doono doorashada madaxweynaha Maamulka ee shanta sano ee soo socata hoggaamin doona.
Falanqeeyayaashu waxay sheegeen in codbixintani tahay talaabo muhiim u ah maamulka cusub, maadaama guddoonka cusub uu door weyn ku yeelan doono dejinta mudnaanta sharci dejinta iyo xoojinta hannaanka dowladnimo.
HBN ONLINE TV