Golaha Wakiillada maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay habraaca doorashada shir guddoonka Baarlamaanka, kadib dood dheer oo ay xildhibaannadu ka yeesheen qodobada habraaca.
Kalfadhiga 1-aad, fadhigiisa 2-aad, oo uu shir guddoominayay Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha ayaa waxaa ka soo qaybgalay 74 mudane. Guddigu ayaa golaha u soo jeediyay habraaca doorashada oo ay si gaar ah u diyaariyeen, waxaana xildhibaannada kadib galeen dood ku aaddan habraacaasi iyagoo soo bandhigay talooyin iyo aragtiyo kala duwan.
Habraaca doorashada ayaa loo qaaday cod gacan taag ah, waxaana oggol ku codeeyay 58 mudane, halka 16 mudane ay ka aamuseen, mana jirin cid diidmo ku codeysay.
Xildhibaanno la hadlay warbaahinta kadib fadhiga ayaa sheegay in doorashada guddoonka Golaha Wakiillada la qaban doono sida ugu dhaqsiyaha badan, si loo dardar-geliyo howlaha sharci-dejinta iyo dhismaha hay’adaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari.
Sida uu muujinayo jaantuska wakhtiga lagu qaban doono doroshada guddoonka Golaha Wakiillada Waqooyi Bari waxaa lagu soo afjari doono 23-ka bishaan Agoosto.
HBN ONLINE TV