Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyey codsiga madaxwaynaha ee shaqeynta bil ka mid fasaxooda

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay labada Gole ee Baarlamaanka ayaa diiradda saaray Doorashada Dadweyne ee Dowladdu rajeyneyso in ay qabato ee qof iyo codka ah.

Baarlamaanka ayuu ka codsaday in waqtigooda fasaxa ah bil ka mid ah ay u ogolaadaan ansixinta shuruucda muhiimka u ah doorashooyinka Dadweyne si meesha looga saaro sida uu hadalka u dhigay mida dadban oo in muddo ah dowladaha dalka soo maray lagu soo dhisayay.

“Doorasho Dadban waxa ay afqabataa garaadka Jiilalka soo koraya, Baarlamaanka waxa aan ka codsanayaa in fasaxiisa bil ka mid ah u huro Doorashadaas, Walaalayaal Soomaaliya inta aqalkaan fadhiso ayey hiilo uga baahan tahay” madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada Gole Baarlamaanka JFS ayaa hadal jeedinta ka dib aqbalay codsiga Madaxweynaha ee ah in muddo bil ah oo fasaxooda ah ay shaqeeyaan, si ay u meelmariyaan shuruucda muhiimka u ah Doorashada Qof iyo Codka ah ee dalka aadayo.

Fadhigga oo ay xaadir ku ahaayeen 193 Mudane oo isugu jiray labada Gole ee Baarlamaanka ayaa buuq ka dib waxaa la sameeyey codeyn iyada oo 181 Mudane ay u ogolaatay codsiga Madaxweynaha, halka ay diiday 12, mana jirin Xildhibaan ama senatar ka aamusay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed