Kulan lagu waday inuu maanta qabsoomo ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u baaqday, kadib markii uu waayay tiradii xildhibaanada ee dastuuriga ah ee fadhiga golaha lagu furo (kooram). Tani waxay qeyb ka tahay culeysyo siyaasadeed oo muddooyinkii dambe hareeyay shaqada baarlamaanka oo ay ka mid yihiin baaqashooyin joogto ah, buuq, iyo fasaxyo isdaba joog ah.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo warbaahinta la hadlay ka hor inta uusan kala dirin xildhibaanadii kooban ee xarunta Villa Hargeysa ku sugnaa, ayaa sheegay in kulankii maanta uu markale u baaqday sababo la xiriira kooram la’aan, xili ay horyaaleen sharciyo.
“Dad kooromka buuxiya magaaladan [Muqdiso] waa joogaa, Marna isma laheyn maanta kooramkaa cariiri galaaya wa nasiib darro” ayuu yiri Guddoomiyaha.
Wuxuu si kulul ugu baaqay xildhibaanada inaysan mar kale uu baaqin kulanka arbacada ee soo socota, isagoo xusay in waqtigu gabaabsi yahay maadaama loo sii jeedo fasaxyada Xajka iyo Ciidda.
Ajandaha maanta laga baaqday waxaa ka mid ahaa gudbinta sharci muhiim ah, waxaana sii xoogeysanaya walaaca laga qabo in Baarlamaanku ku guuldareysto waajibaadkiisa sharci dejineed xillan kala guur ah.
Khilaafka siyaasadeed ee hareeyay Golaha Shacabka ayaa galay wejigii ugu cakirnaa, iyadoo xubno badan oo ka tirsan golaha ay si cad u muujinayaan kala aragti duwanaansho la xiriirta hannaanka siyaasadda, doorashooyinka soo socda iyo is-aaminaad xumo sareysa, inkasta oo aan magaalada arintaasi ka jirin.
Xaaladdan waxay dhabar-jab ku tahay hay’adihii dastuuriga ahaa, xili ay taagan tahay su’aal culus oo ah: Sidee lagu dardargelin karaa shaqada Baarlamaanka iyadoo dalka uu galay marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah?
HBNO ONLINE TV