Waxaa maanta oo isniin ah koorom la’aan u baaqday kulanka Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, ka dib markii ay kalfadhiga soo xaadireen 133 mudane oo kaliya, sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Cabdullaahi Cumar Abshirow oo Shir-guddoonka ahaa.
Sababta keentay Kooram la’aanta in uu u baaqdo kulanka maanta ayuu Guddoomiye Abshirow ku sheegay in kulanka maanta uu daba socday dhowr kulan oo ka horeysay oo looga doodayey arimaha canshuuraha dalka iyo cabashada ganacsatada ay keeneen isaga oo faray Xildhibaannada in ay isu soo diyaariyaan kulanka xiga.
Waxaa kalfadhiga baarlamaanka in kooromkiisu buuxsamo ka dhimaneyd oo kaliya 6 Xildhibaan, taasi oo ka dhigan in kulanka si caadi ah ugu furmi karo 133 mudane, si howllaha horyaala iyo ajandayaasha Baaralamaanka uga doodaan.
Bishaan kaliya waxaa kooram la’aan u baaqday kulankii Baarlamaanka 3 jeer, waxaana Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur uu rajo xumo ka muujiyay maqnaanshaha Xildhibaano badan oo aan wax qiil ah u keeneyn soo xaadiritaankooda.
HBN ONLINE TV

