Waxaa maanta lagu hor dhaariyey xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator cusub, Cabdiraxmaan Barre, kaas oo si rasmi ah u buuxiyey kursigii uu iska casilay Senator hore Cismaan Abokor Dubbe.
Dhaarinta Cabdiraxmaan Barre ayaa ku soo beegantay xilli xasaasi ah oo ay dood adag ka taagan tahay wax-ka-beddelka Dastuurka dalka. Kursiga uu buuxiyey ayaa bannaanaa tan iyo markii uu iscasilaaddiisa gudbiyey Senator Dubbe.
Ilo ku dhow baarlamaanka ayaa sheegaya in ku biiritaanka senator-ka cusub ay imaneyso xilli ay xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si weyn ugu baahan tahay xildhibaanno lagu xoojiyo meel-marinta qodobada la xiriira wax-ka-beddelka Dastuurka Soomaaliya.
Arrintan ayaa qeyb ka ah isbeddellada ka socda gudaha golayaasha sharci-dejinta, iyadoo indhaha lagu hayo sida ay saameyn ugu yeelan doonto tirada iyo miisaanka codadka ee ku aaddan hannaanka dib-u-eegista dastuurka.
HBN ONLINE TV

