Baarlamaanka Soomaaliya oo guddi u saaray ka soo tala bixiya canshuuraha cusub DFS soo rogtay

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo gebagabeeyay mooshinka wax iska weydiinta Canshuurta iyo Cabashada Ganacsatada oo maalmahan ay doodiisa socotay xaruntooda magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu gorfeynayey sida suurtagal ku noqon karto in shacabka laga qaado canshuurta iibka ee boqolkiiba shan.

Gebagebadii doodda ka dib ayaa waxaa uu gudoomiyaha baarlamaanka Soomalaiya uu saaray guddi ka soo tala-bixiya canshuuraha cusuub, ee dowladda soomaaliya ka dhaqan galisay dalka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in guddiga Maaliyadda ee baarlamaanka ay arrintan u xilsaareen si ay u soo baaran ka dibna ay ugu soo talo-bixiyaan.

Canshuuro cusub oo dhawaan ay soo rogtay dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa cabasho ka muujiyay qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdisho.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed