Baarlamaanka Soomaaliya oo galaya Fasax iyadoo uu taagan yahay buuq Siyaasadeed Soo Wajahay

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sshaaciyey in Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka 11-aad uu si rasmi ah u xirmayo maalinta berri ah, oo ku beegan 22-ka Juun 2025, iyadoo xildhibaannada labada Aqal ay geli doonaan fasax laba bilood ah, sida ku cad bayaan wadajir ah oo kasoo baxay Guddoonka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in fasaxa uu yahay waajibaad Dastuuri ah, islamarkaana uu socon doono illaa 22-ka Agoosto 2025. Guddoonka Baarlamaanka ayaa uga mahadceliyey xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarada Aqalka Sare sida ay u guteen waajibaadkooda intii uu socday kalfadhigu, isagoo sheegay in xilliga kalfadhiga uusan la micno ahayn fasax buuxa, balse ay jiraan hawlo kale oo Dastuuri ah oo laga rabo in ay fuliyaan mudanayaasha.

Si kastaba ha ahaatee, muddadii uu socday Kalfadhiga 6-aad waxaa si aad ah muuqanayay muran siyaasadeed, buuq iyo gacan ka hadal, taas oo keentay in fadhiyo badan si degdeg ah loo xiro, qaar kalena lagu kala dareero iyada oo aan wax natiijo ah laga gaarin. Khilaafaadka u dhexeeya Xukuumadda Federaalka iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa si toos ah uga dhex muuqday golaha, taas oo sababtay niyad jab ballaaran oo ka dhacay shacabka Soomaaliyeed.

Dadka Soomaaliyeed ayaa muujiyey rajo xumo xooggan oo ku aaddan heerka anshaxa iyo waxqabadka Baarlamaanka, iyaga oo tilmaamay in halkii laga filayay sharciyeyn iyo xal u helid khilaafaadka siyaasadeed, ay u beddeleen sida ay tilmaameen muuqaal fadeexad siyaasadeed iyo curyaamin howlaha dowladda.

Fasaxa Baarlamaanka ayaa kusoo beegmaya xilli goluhu horey ugu jiray hakadyo siyaasadeed iyo fadhiyo baaqday, taasoo ay dad badan u arkaan inay tahay fasax tiro beel ah oo aan la jaanqaadi karin baahida siyaasadeed ee dalka. Waxaana si toos ah u saameeyey shaqooyin muhiim ah sida : Ansixinta sharciyo lagama maarmaan u ah dowladnimada, La xisaabtanka hay’adaha fulinta, Dhammeystirka hannaanka doorashooyinka dalka, iyo kormeerka miisaaniyadda iyo adeegyada bulshada.

Ugu dambeyn , Sida ay qabaan dadka falanqeeya siyaasadda, fasaxa labada bilood ah ee hadda la galay ayaa loo arkaa inuu muujinayo tabar darro sharciyeed, hoggaan la’aan siyaasadeed iyo niyad jab ku dhacay kalsoonidii shacabka, iyadoo dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin Baarlamaan leh han siyaasadeed oo leh mas’uuliyad iyo daacadnimo shaqo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed