Baarlamaanka Soomaaliya oo dib isu soo laabta ka dib baaqashada 3-dii kulan ee ugu dambeyey

Xildhibaannada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta dib isugu soo laabtay, ka dib seddexdii fadhi ee ugu dambeeyey oo uu golaha hareeyey kala aragti duwaanan soo kala dhexgalay, sida lagu muujiyay fariinta loo diray Xildhibaannada oo saacado ka hor lagu sii wargeliyo.

Baaqashada saddexdii kulan ee lasoo dhaafay oo aan wax faah-faahin ah laga bixin, marka la eego hadal hayn ka dhalatay mooshin ay gudbiyeen Xildhibaanno diiday talaabada ay qaadeen Mudaneyaal kale, inkasta oo markii dambe xal laga gaaray.

Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa horyaalla Qodobo badan oo qaarkood qabyo u ah oo dhageysi iyo doodo geliyaan, halka qaar kale weli aan loo gudbin balse ay ka sugayaan Guddiga sida gaarka ah ugu qaabilsan arrintaan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa Xildhibaannada ku wargeliyay in ayaa xadiraan fadhigaan si aanay u dhicin kooram la’aan maadaama fadhiga ama kulanka uu ku furmayo marka la helo tirade loogu talagalay.

Kalfadhiga maanta ee 5-aad kulankiisii 20-aad ayaa waxaa looga doodayaa Hindise sharciyeedka Kaalmo sharciyeedka Federaalka Soomaaliya, iyada oo dhaliilo dul hoganayaan kulamada baarlamaanka, marka loo eego ajendayasha ka sii xasaasisan ee horyaala, sida ay qabaan dadka siyaasada gobolka la socda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed