Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026, taasi oo gaareysa ku dhawaad 1.5 Bilyan oo doollar.
Kulan wadajirka ahaa ee ay ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka mudanayaasha labada gole ee Soomalaiya ayaa lagu sheegay in lagu meel mariyey miisaaniyad gaareysa $1,386,807,242 oo doollar. Ansixinta miisaaniyadda waxaa ogolaatay 174-Xildhibaan, 4 ayaa diiday, halka 1 xildhibaanna uu ka aamusay.
Kalfadhigan 7-aad kulankiisa 8-aad ayaa waxaa shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan guddoomiye kuxigeenada labada aqal, waxaana maanta uu kooramku ka koobnaa 151-Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 28-senator oo ka tirsan Aqalka Sare, iyada oo uu ajendaha uu ahaa akhrinta sedaxaad iyo u codeynta miisaaniyadda sanadka 2026.
Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa tilmaamay in miisaaniyadda 2026 ay tahay tiir muhiim u ah hirgelinta qorshayaasha horumarineed, xasillinta dhaqaalaha, iyo adkeynta adeegyada dowladda ee dalka.
HBN Online TV

