Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyay Sharciga la dagaalanka Burcad badeeda & kahortagga afduubka

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-sharciyeedka la dagaallanka burcad-badeedda iyo ka hortagga afduubka, kaasi oo dib u eegis lagu sameeyay markii ugu horreysay tan iyo markii la soo saaray sanadkii 1975-kii.

Kulanka maanta oo uu shir-guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa waxaa goobta xaadiray 140 mudane, iyadoo aanay jirin cid diidday ama ka aamustay, taasoo ka dhigan in sharciga lagu meel mariyay cod aqbaliyad ah.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay in sharcigan uu muhiim u yahay amniga badda iyo ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya, maadaama uu nidaaminayo la-dagaallanka falalka burcad-badeednimada, afduubka iyo dambiyada la xiriira ammaanka xeebaha dalka.

Hindise-sharciyeedkan ayaa markii hore loo xilsaaray guddi gaar ah oo ka shaqeeyay dib u habayntiisa, waxaana ay soo gudbiyeen nooca la ansixiyay maanta.

Sharcigan la dagaallanka burcad-badeedda iyo ka hortagga afduubka ayaa hadda loo gudbin doonaa Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, halkaas oo uu mari doono akhrinta saddexaad, dood iyo cod-u-qaadis rasmi ah ka hor inta aan loo gudbin Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed