Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Miisaaniyadda maamulka ee sannadka soo socda ee 2025, taasi oo gaaray ku dhawaad kala milyan Doollar.
Qoraal ka soo baxay Baarlamaanka Puntland ayaa lagu sheegay in xildhibaannadu cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Miisaaniyad sanadeedka 2025 oo dhan $466,840,762 oo dollar.
Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 49 mudane waxaa ansixinta Miisaaniyadda u codeeyay 47 xilhibaan, halka ay ka aamuseen 2 mudane, islamarkaana ma jirin cid diiday, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Baarlamaanka.
“Xildhibaannada ayaa cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyey 47 Xildhibaan, Diidmo 0, Aamus 2, sidaas ayeyna ansax ku noqotay Miisaaniyadda Dawladda sannadka 2025, taasoo noqonaysa wadarta guud $466,840,762” ayaa lagu yiri qoraalka golaha.
Miisaaniyadda 2025 ayaa korortay 18% marka la barbardhigo sannadkan 2024, iyada oo lagu qiimaynayo Kharashka u kala qoondaysan hay’adaha Puntland ee kala ah; Hay’adaha Adeegga maamulka, amniga, cadaaladda, dhaqaalaha iyo Hay’adaha adeegga Bulshada.
HBN ONLINE TV