Baarlamaanka oo soo gaba-gabeeyay ka doodista cutubyada 7-aad iyo 8-aad ee Dastuurka KMG ah, iyada oo mucaaradku doonayaan in laga laabto

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah oo ay yeehseen ku soo gaba-gabeeyay ka doodista cutubyada 7-aad iyo 8-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah. Kulanka ayaa waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana ku wehlinayay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim, iyo guddoomiye ku-xigeennada labada Aqal.

Xildhibaanada labada Aqal ayaa kulankooda dood adag galiyey intii lagu jiray qodobada ku jira cutubyada 7-aad iyo 8-aad ee Dastuurka KMG ah, kuwaas oo ka mid ah qodobada muhiimka ah ee dib-u-eegista dastuurka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maanta si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyay ka doodista labada cutubyada ee 7-aad iyo 8-aad, isla markaana kulanka xiga ee Sabtida lagu bilaabi doono ka doodista cutubka 9-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah. Wuxuu ku adkeeyey xildhibaanada inay soo xaadiraan kulanka maalinta 21-bishaan.

Dooddan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu weli taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka wax ka beddelka dastuurka, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo xildhibaannada ay cabasho ka muujiyeen sida howsha dib-u-eegista loo wado.

Dhanka kale, tiro xildhibaanno ah ayaa laga joojiyey ka qaybgalka fadhiyada Baarlamaanka, taas oo iyaduna sii hurisay hadal-heynta ku saabsan hufnaanta iyo wada-jirka geeddi-socodka wax ka beddelka dastuurka.

Dooddan ayaa qeyb ka ah geeddi-socodka dib-u-habaynta dastuurka, oo ujeeddadiisu tahay in la helo dastuur dhammaystiran oo sal u noqda nidaamka dowladnimo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed