Baarlamaanka maamulka Jubbaland aya qaaday tallaabo culus oo wax ka beddel loogu sameeyay qodob gaar ah oo la xariira Dastuurka maamulkaas, mudanayaasha ayaa u codeeyay isla markaana meel mariyay labo Qodob oo xasaasi ah, oo kala ah 65-aad & 70-aad ee dastuurka maamulka Jubbaland.
Qodobka 65-aad ayaa laga dhigay in muddada xilheynta madaxweynaha ay tahay shan sano, halkii ay ka aheyd markii hore 4 sano isla markaana u tartamida madaxweynaha in ay tahay mid furan oo aan xadidneyn.
Sidoo kale Qodobada 70-aad ayaa wax ka bedelka lagu sameeyay Dastuurka Jubbaland, kaasoo ahaa in Madaxweynaha uu xilka isku sharaxi karo labo jeer, qodobkan ayaa gebi ahaanba meesha laga saaray. Isbededlkan ayaa ka dhigan in Madaxweynaha hadda talada haya Axmed Madoobe uu mar kale isu soo taago doorashada soo socota.
Tallaabadan ayaa lagu fasiray mid sii xoojineysa joogitaanka madaxweyne Madoobe oo Jubbaland hoggaaminay tan iyo markii la aas-aasay 2013-kii.
Ilaa hadda ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay siyaasiyiinta mucaraadka ah ee ka soo jeedo maamulkaas ee ku aaddan Qodobada wax ka beddelka lagu sameeyay ee Dastuurka Jubbaland.
HBN NEWS DESK

