Baarlamaanka Labadiisa Aqal oo yeeshay kulan xasaas ah loogana hadlay arrimaha dastuurka haddaba maxaa ka soo baxay kulankaas

kulan looga hadlayay dib u habeynta dastuurka ayaa ka furmay xarunta Villa Hargeysa kalfadhiga wadajirka ah ee labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo diirada lagu saaray wax ka bedelka dastuurka KMG ah. Shirkan oo ah mid muhiim ah ayaa lagu xusay wajigii saddexaad ee hannaanka dib-u-eegista Dastuurka.

Xuseen Iidow oo ah Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista Dastuurka ayaa soo jeediyay warbixin dhinacyo badan taabaneysa oo uu ku faah faahiyay wax ka bedelka la soo jeediyay. Sidoo kale, Burhaan Aadan Cumar Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Dastuurka ayaa faah faahin ka bixiyay kala aragti duwanaanshiyaha ka soo baxay dooda Xildhibaanada.

Gabagabadii kalfadhiga ayaa gudoomiyaha Golaha Shacabka uga mahad celiyay gudiga iyo aqoonyahanada dadaalka ay ku bixiyeen dhameystirka qabyo qoraalka dastuurka. Hannaanka wax ka bedelka iyo dib u eegista ayaa lagu wadaa in la soo gebagebeeyo maalinta oo Sabti ah, maxaa yeelay fadhiga labada gole , waxaa xaadir ku ahay 206 Xildhibaan , taa oo meesha ka saaraysa iskuday kasta oo maanta lagu ansixin lahaa, maaddama kooramka loo baahanyahay ee ugu yaraan 220 uusan buuxin. Maalinta Sabtida ee ina soo aadan ayaa la sheegay inuu labada gole ee Baarlamaanka ay cod u qaadi doonaan ansixinta wax ka beddelka Dastuurka.

Nuqulada la qeybiyay ayaa waxaa ku jiray in madaxweynaha Soomaaliya ay dooran doonaan shacabka, halka Ra’isulwasaaraha uu soo magacaabi doono Madaxweynaha, awoodna uu u leeyahay inuu xilka ka qaadi karo, balse markii hore awoodda xilka qaadista Ra’ilsulwasaaraha waxaa lahaa Baarlamaanka Soomaalia.

Sidoo kale xisbiyada ka qeyb galaya doorashada ayaa laga dhigay seddex xisbi, halka Muddada xilhayntana madaxweynaha ay tahay 5 sanao.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed