Musharax Xildhibaan Hiirad Ismaaciil Maxamed ayaa kaga adkaaday Xildhibaan Mahad Maxamed Axmed kursiga Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada Jubaland oo ay ku loolameen, kaasi oo ku soo baxay ka dib doorashadiisa ka dhacday magaalada Kisamaayo.
Doorashada guddoonka golaha wakiillada oo ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa waxaa guddoomiye Hiirad Ismaaciil Maxamed uu helay 56 cod, halka Xildhibaan Mahad Maxamed uu isna helay 18 cod, mana jirin wax cod ah oo labaay, sida uu guddiga doorashada Jubbaland ku dhawaaqay.
Mahad Maxamed oo ah Xildhibaan ka mid ah mudanayaasha golaha Jubbaland oo kursiga looga guuleystay ayaa sheegay in uu aqbalayo natiijada doorashada ka soo baxday, isaga oo u mahadceliyey guddiga doorashda iyo mudanayaasha.
Sida oo kale Xildhibaanka kursiga guddoomiyaha golaha wakiillada Jubbland ku guuleystay ayaa sheegay in uu mahacelinayo qaabkii wanaagsanaa ee ay ugu doorteen in uu noqdo guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Baarlamaanka Jubbaland.
Goor sii horeysay Xildhibaaan Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa Baarlamaanka Jubbaland ugu doorteen guddoomiyaha cusub ee golaha wakiillada 3-aad ee maamulkaasi uu yeelan doono, kaasi lagu xantano in uu aad isugu dhawyihiin madaxweynaha Jubbaland.
HBN ONLINE TV