Baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa maanta Kalfadhi uu yeeshay waxaa xasanaadda looga qaady tiro xildhibaanno ah , iyadoo looga dooday xaaladda guud ee amniga iyo arrimo kale.
Kulanka oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Abdulhakim Luqmaan Xaaji axaa kasoo qeyb galay 75 xildhibaan, waxaana uu kulanku diiradda saaray xaaladda guud ee amniga maamulka iyo mooshin ay horey u gudbiyeen Guddiga Anshaxa ee Golaha.
Guddoomiye Luqmaan ayaa xildhibaanada ku wargeliyay mooshin ka dhan ah Xildhibaan Axmed Saneey Maxamed, Xildhibaan Saadaq Mukhtaar Cabdulle iyo Xildhibaan Axmed Cali Abuukar oo loo gudbiyay baarlamaanka, kadib markii lagu eedeeyay ku xadgudubka Dastuurka Hirshabeelle iyo Xeer-hoosaadka Baarlamaanka.
Kadib dood dheer oo ay ka qeyb galeen 31 xildhibaan, ayaa ugu dambeyn la coddeeyay mooshinka, iyadoo natiijadu noqotay, in 71 Xildhibaan oggolaaday in xasaannadda laga qaado seddexda xildhibaan, 3 Xildhibaan oo diiday & 1 aamusay.
Guddoomiye Luqmaan ayaa ku dhawaaqay in saddexdaasi xildhibaan si rasmi ah u lumiyeen xubinnimada Golaha Wakiillada, isagoo ku saleynaya qodobbada sharciga iyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.
Wuxuu sidoo kale faray odayaasha dhaqanka iyo bulshada ay xildhibaanadu matalayeen in ay si deg deg ah u bilaabaan buuxinta kuraasta banaan, iyagoo raacaya habraaca Dastuuriga ah.
Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli maamulka Hirshabeelle uu wajahayo xaalad amni oo adag, iyadoo Baarlamaanku muujinayo in ay doonayaan in ay sare u qaadaan anshaxa iyo mas’uuliyadda ka saaran matalaadda shacabka.
Weli xildhibaannadan kama hadlin xil ka qaadistooda maanta lagu sameeyey iyo sida ay u arkaan, halka dhankooda odayaasha matala iyane aanay wax arintaa ku aadan ka soo bixin.
HBN ONLINE TV