Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa baaqday sababo la xiriira kooram la’aan, kaddib markii ay hoolka fadhiga soo xaadireen 87 xildhibaan oo kaliya, halka si uu kulanku u furmayo ay ka dhimaayeen 52 xildhibaan.
Mudaneyaasha Golaha oo lagu wadaayey in ay ka doodaan ajandayaal muhiim ah oo la xiriira masiirka dalka, ayaa la filayey in ay guda galaan shaqooyinkooda dastuuriga ah sida ansixinta sharciyada, kormeerka dowladda iyo ilaalinta nidaamka dastuuriga ah, hase yeeshee, maqnaanshaha tiro badan oo xildhibaano ah ayaa horseeday in kulankaasi uu fashilmo inuu sii socdo.
Ajandayaasha fadhiga maanta u qorsaysnaa waxaa ka mid ahaa, dhaarinta laba xildhibaan oo cusub, cod u qaadista axdiga Midowga Afrika ee Xuquuqda iyo Barwaaqada Carruurta, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Haweenka & Qoyska.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa xildhibaanada ka codsaday in ay si buuxda u soo xaadiraan kulanka Arbacada si howlaha Baarlamaanka aysan u hakad galin. Wuxuu ku booriyay inay mudnaanta siiyaan mas’uuliyadda ay ummadda u hayaan, maadaama uu Baarlamaanka kamid yahay hay’adaha ugu muhiimsan ee dastuuriga ah ee dalka.
Khilaafka siyaasadeed ee dhawaanahan hareeyay Golaha Shacabka ayaa galay wejigii ugu cakirnaa, iyadoo xildhibaano badan ay si cad u muujiyeen kala aragti duwanaansho ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo jihada siyaasadda dalka. Tani waxay sare u qaaday walaaca laga qabo in Baarlamaanka uu ku fashilmo gudashada waajibaadkiisa sharci-dejineed ee muhiimka u ah marxaladda kala guurka ee uu dalku marayo.
Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa ku tilmaamay xaaladdan mid dhabar-jab ku ah kalsoonidii shacabka iyo waxtarkii hay’adaha dastuuriga ahaa, iyagoo ku baaqaya in la xoojiyo mas’uuliyadda wakiilnimada iyo in laga hormariyo danta guud ee ummadda Soomaaliyeed.
HBN ONLINE TV