Golaha Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa maanta si rasmi ah u meelmariyay 14 degmo oo cusub, taasoo tirada guud ee degmooyinka DDS ka dhigeysa 109 degmo.
Degmooyinka cusub ee la ansixiyay ayaa lagu kala sheegay Daarimi, Biyada, Bulladari, Gara-nuugle, Shaxda-Buuhoodle, Duuban, Caleen, Bayaxoow, Burqayar, Xagar-Moqor, Shakisa Bacaad-Wayne, God-Dheere & Cobosha.
Degmooyinkan cusub ayaa horay waxaa u ansixiyay Golaha Xukuumadda todobaadkii hore, halka golaha baarlamaanka maanta si buuxda u meel mariyay.
Si kastaba ha ahaatee, Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee dib-u-habeynta maamulka deegaanka, iyadoo lagu saleynayo baahida dadka deegaanka iyo ballaarinta adeegyada dowladeed.
HBN ONLINE TV