Baarlamaanka cusub ee Koonfur Galbeed oo lagu dhaariyey Baydhabo

Waxaa galinkii dambe ee maanta lagu dhaariyey magaalada Baydhabo Baarlamaankii ugu horreeyey ee lagu soo doorto doorashada qof iyo cod oo horaantii bishaan May ka dhacdaay deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhaarinta golaha wakiillada 3-aad ee Koonfur Galbeed oo ka dhacday xarunta shirarka Baarlamaanka maamulkaasi ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaannada la dhaarinayo, xubnaha guddiga doorashooyinka iyo hoggaanka ku-meel-gaarka ah ee maamulka.

Tirada guud ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo ka kooban 95 gole wakiil waxaa ay ku soo bexeen doorashadii 10-kii bishaan May 2026 ka dhacday 13-ka degmo oo laga qabtay doorasho qof iyo cod ah deegaanda Koonfur Galbeed, iyaga oo noqonaya Baarlmaankii ugu horeeyey ee dowlad-goboleed Soomaaliya ah shacabku soo doortaan. Inkastoo doorashadaasi ay ka soo horjeesteen siyaasiyiin & qaar ka mid ah odayaal dhaqameedka deegaannadaas.

Dhanka kale, wararka ka imanaya Baydhabo ayaa sheegaya in si weyn loo adkeeyey amniga magaalada, kaddib dagaal kooban oo saaka halkaas ka dhacay.
Dagaalkaasi ayaa lagu eedeeyey Alshabaab, halka maamulkii hore ee Koonfur Galbeed uu sheegay in weerarka ay fuliyeen xubno hubeysan oo wakiil ka ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed