Baarlamaanka Azerbaijan ayaa ansixiyay heshiis dhanka difaaca iyo warshadaha difaaca ah oo dowladda dalkaasi la saxiixatay dhigeeda Soomaaliya, sida ay werisay wakaaladda Trend. Heshiiskan oo lagu saxiixay 12-kii Febraayo 2025 magaalada Baku, ayaa la horkeenay fadhigii baarlamaanka Azerbaijan maanta, waxaana cod aqlabiyad leh lagu meel mariyay akhrintiisii koowaad.
Heshiiska oo ka kooban 20 qodob, wuxuu dhigayaa in labada dhinac iska kaashan doonaan arrimo la xiriira difaaca, ammaanka milatari, howlaha nabad-ilaalinta, is-weydaarsiga waayo-aragnimada, tababarka iyo waxbarashada ciidanka, warshadaha difaaca iyo tiknoolajiyadda.
Sidoo kale, heshiisku wuxuu abuurayaa hannaan qaanuun oo ay labada dhinac ku fulin karaan iskaashi joogto ah, iyadoo si buuxda loo tixgelinayo shuruucda qaran iyo waajibaadka caalami ee labada dal.
Qodob muhiim ah oo heshiiska ku jira ayaa xusay in iskaashiga milatari ee labada dal uusan noqon doonin mid ka dhan ah dal saddexaad, taas oo muujinaysa in heshiisku yahay mid xasilooni iyo iskaashi ku saleysan.
Ansixinta baarlamaanka Azerbaijan ayaa imaneysa iyadoo ay Soomaaliya dhowaan la gashay heshiisyo dhanka difaaca ah dalal dhowr ah, taasoo oo masuuliyiinta dawlada Soomaaliya ku sheegeen inay dadaallada dib u dhiska awoodda milatari ee dalka iyo kor u qaadidda xiriirka caalamiga ah.
HBN ONLINE TV