Baaqashadii Kulanka Baarlamaanka oo guddoonku go’aan adag ka soo saaray.

Kulankii maanta ay lahaayeen Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u baaqday sababo la xiriira kooram la’aan, iyada oo tiro badan oo ka mid ah xildhibaannada aysan soo xaadirin fadhiga.

Ajendaha Kulankan ayaa waxaa ku jiray dhowr qodob oo la filayey in laga doodo, qeybna ka ahaa shaqooyinka Baarlamaanka, waxaana qodobadaas ugu muhiimsanaa coddeynta la xiriirtay sharciyo ay soo gudbisay Wasaaradda Beeraha, kuwaas oo maanta loo qorsheeyay in xildhibaanada codka ay ka dhiibtaan. Hase yeeshee kooram la’aanta awgeed u baaqday.

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka, Cabdullaahi Cumar Abshiroow, oo maanta shir guddoomiyay, ayaa si kulul u cambaareeyay maqnaanshaha aan sababta lahayn sida uu hadalka u dhiagay ee xildhibaannada, waxaana uu sheegay in aan la aqbali doonin xildhibaannada si joogto ah uga maqnaada fadhiyada Baarlamaanka, isaga oo carrabka ku dhuftay in tallaabo adag laga qaadi doono oo lacagaha qaar laga jari doono.

“Waa ballan in aan lacagta ka jarno xildhibaannada aan u soo xaadirin fadhiyada Golaha Shacabka. Waa in aan si dhab ah u qaadnaa masuuliyadooda, waana in aan ku ciqaabnaa kuwa aan ka qayb qaadan kulammada muhiimka ah,” ayuu yiri Guddoomiye Abshiroow.
Shuruucda maanta la filayay in laga hadlo, oo ay ka mid yihiin qodobada la xiriira horumarinta beeraha, ayaa dib loo dhigay ilaa Arbacada, sida uu sheegay Guddoomiye Absjiroow.

Shuruucda maanta la filayay in laga hadlo, oo ay ka mid yihiin qodobada la xiriira horumarinta beeraha, ayaa dib loo dhigay ilaa Arbacada, sida uu sheegay Guddoomiye Abshiroow.

Arintani ayaa waxaa ay noqon kartaa sida dadka siyaasiiyiinta ah sheegayaan in Baarlamaanka ka baaji doonto in dib u dhaca ku yimaada go’aamada muhiimka ah ee saameynta ku leh, taasi nolosha shacabka Soomaaliyeed saameynta ku leh.

Bilihii la soo dhaafay waxaa marar kala duwan baaqday kulamada Baarlamaanka Soomaaliya uu lahaa, kuwaa oo saameyn ku lahaa masiirka dalka, halka qaarkood looga hadlayey go’aanno muhiim ah oo ay tahay in la gaaro. Dad badan ayaa rumeysan in Baarlamaanka u baahan yahay nidaam adag oo la xisaabtanka xubnaha Golaha ah, si looga hortago sida hadalka u dhigeen hab dhaqanka noocan ah oo wiiqaya shaqada dowladda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed