Baanka Somaliland oo suuqa soo galiyey lacago aad u badan oo Doollar ah.

Baanka dhexe ee Somaliland ayaa saaka qaaday tallaabo ku aaddan sarrifka doolarka oo sabbaynayay maalmihii lasoo dhaafay, ka dib markii suuqa soo galeen hadal heyn ah in Xukuumadda lacago cusub ay soo wado.

Gaadiid bangigu leeyahay ayaa maanta dhex tagay suuqa sarifka magaalada Hargeysa si ay u galiyaan lacag doolar ah oo ay shilinka uga soo xereeyaan, maadaama cabasha xooggan ay kaga timid dadka shacabka ah oo ku aadan sarifka.

Xubnaha Mucaaradka ah ayaa ku eedeeyey Xukuumadda talada heysa in ay wado xaalad cakiri karta dhaqdhaqaaq nolosha, taasi oo saameyn taban ku reebi karta sida ay u maareeyaan ganacsigooda iyo daqliga yar ee soo gala.

Xukuumadda oo ka jawaabtay eedda loo jeediyey ayaa sheegtay in waxba kama jiraan ay yihiin dhaliilaha kaga imaanaya dhinaca mucaaradka, kuwaa oo aan sal iyo raad toona laheyn ayna ku doonayaan sida hadalka u dhigtay in ololahooda siyaasadda ku laba jibaaraan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed