Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa khudbad dheer oo uu ka jeediyay magaalada Kismaayo si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo eedeyn culus u jeediyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in khilaafka u dhexeeya maamulkiisa iyo DFS uu salka ku hayo qorshayaal hal dhinac ah oo uu ku tilmaamay kuwa wiiqaya nidaamka federaalka iyo dastuurka dalka.
Wuxuu si gaar ah diiradda u saaray arrimaha ciidamada, isaga oo dhaleeceeyay sida loo maamulayo, gaar ahaan ciidamadii dhawaan loo qaaday deegaanka Raas-Kambooni oo tilmaamay in fashil iyo waji-gabax lagala soo kulmay. Waxaa uu carrabaabay in laga saaray saldhigyo istaraatiiji ah, si isaga loogu soo qabto. Wuxuu su’aal ka keenay waxyaabaha laga faa’iiday tallaabadaas iyo cidda ka dambeysay.
Waxaa uu tilmaamay in aan la aqbali karin qorsheyaal hal dhinac ah oo lagu burburinayo nidaamka Federaalka iyo heshiiskii dastuurka, isagoo intaas ku daray in awoodda Dowladda Federaalka ay u eg tahay tii xilligii xisbiga kacaanka ee 1976-kii, balse waxaa uu yiri “Bal xisbiga kacaanta ee hadda la dhisayo halkee gacanta ku hayaa?”.
Isagoo si toos ah ula hadlayay Madaxweyne Xasan Sheekh, ayuu Axmed Madoobe sheegay in aan wax shir ah oo Golaha Wadatashiga Qaran la yiraahdo jirin, waxaana uu ku baaqay in la dhigo “gogol Soomaaliyeed” oo dhab ah oo lagu xalliyo khilaafaadka jira.
“Wax shir golaha wadatashiga la yiraahdo ma jiro – fadlan is dhageyso adigu [Madxweyne Xasan Sheekh]” ayuu si cad u yiri Madoobe, isagoo sheegay in cidna aysan ka adkaan karin Soomaali cid kale.
DFS ayaa aan aqoonsaneyn maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, ka dib markii ay sheegtay in si aan heshiis lagu aheyn uu doorasho ugu qabsaday magaalada Kismaayo dhamaadkii bishii November ee sanadkii hore – Hadda waxaa miiska saaran go’aan ka gaaris sida laga yeelayo Jubbaland, kaasi oo shirkii golaha wadatashiga uu soo jeediyey, loogane fadhiyo wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya.
HBN ONLINE TV