Axmed Maxamed Isalaam Madoobe Madaxweynaha Jubbaland balse aanay aqoonsaneyn DFS ayaa ku eedeeyey Hogaanka Talada dalka haya inay siyaasadeeyeen waxkasta oo xuquuq ah oo ay laheyd Jubbaland, taasi oo sababtay in joojiyo.
Waxaa uu sheegay in dowladda hadda jirta ee dalka aanay dooneyn inay u soo maraan Hay’adaha, iyagune dooneyn in wax wada shaqeyn ah la yeeshaan.
Madoobe ayaa ku eedeyey masuuliyiinta Dowlada Federaalka Soomaaliya in howlaha mashariicda iyo adeegyada bulshada sida warka u dhigay aan lagu aamini karin, isaga tilmaamay in wixii hada ka danbeeya ay Jubaland gaar u maamulayso howlaha mashaariicda iyo maalgashiga.
“Dowladda Dhexe waxkasta oo maamulkan uu lahaa oo shaqo aheyd oo aan xaquuq u laheyn way joojiyeen, way siyaasadeeyeen sida iyagu rabaanay u dhigeen” ayuu yiri Madaxweyne Madoobe.
Sidoo kale, Waxaa uu ku andacooday inta arintaasi jirto aanay dowladda Soomaaliya waxba kala dhexeyn, iyagune aysan aqoonsaneyn. Waxaa hadalka ku soo gabagabeeyey in Jubbaland hay’adaheeda u furinyihii ruqsad siinta dhamaan cidkasta oo dooneysa inay mashaariic ka fuliso deegaannadeeda.
Dowladda Soomaaliya weli kama jawaabin eedda uu u jeediyey Axmed Madoobe ee ku aadan in laga jaray deeqihii ay laheyd Jubbaland.
HBN ONLINE TV