Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, iyo xubnihii lasocday ee wafdigiisa ayaa ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ka dib markii uu fashilmay shirkii uu Muqdisho u joogay.
Axmed Madoobe, oo muddo 12 maalmood Caasimadda u joogay shirka ay la lahaayeen madaxda Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, halkaasoo uu ka soo kicitimay 10-ka bishan Febraayo.
“Axmed Madoobe wuu ka tagay Muqdisho maadaama Dowladda Soomaaliya ay shirkii Fashilisay” ayuu yiri mid kamid ah xildhibaanada ka sagootiyey garoonka Aadan Cadde.
Khilaafka siyaasadeed iyo arrimaha muranka doorashooyinka ee miiska saarnaa waxaa u dheer Madaxweynaha Jubbaland khilaaf gaar ah oo kala dhexeeya dowladda dhexe, kaasi oo ku saabsan arrimaha doorashadiisa ugu dambeysay, iyadoo aan dowladdu si rasmi ah u shaacin inay aqoonsan tahay madaxtinimada Axmed Madoobe.
Waxaa la filayaa in marka uu tago xarunta madaxtooyadaJubbaland uu soo saaro go’aano la xiriira xaaladda siyaasadeed iyo inuu bixiyo tafaasiil dheeraad ah oo ku aadan wixii shirka fashiliyey.
HBN ONLINE TV

