Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta kormeer dhiirigelin ah ugu tagay Ciidamada Gurmad Qaran ee hoostaga Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubaland, iyo sidoo kale cutubyo ka tirsan Ciidamada Kumaandooska Danab, kuwaas oo hawlgallo la tilmaamay kuwa guuleystay ka waday deegaanno kala duwan oo Jubaland ah.
Madaxweynaha ayaa ciidamada kula kulmay saldhigyada ay ku sugan yihiin, isaga oo ku amaanay geesinimada iyo dadaalka naf-hurnimo ee ay ugu jiraan difaaca dalka iyo la dagaallanka kooxda Alshabaab. Waxa uu sheegay in ciidamadaasi ay si weyn u naafeeyeen sida uu hadalka u dhigay kooxda, kana burburiyeen saldhigyo istiraatiiji ah iyo qorshayaal lagu sifeeyey kuwa halis ku ahaa nabadda iyo amniga shacabka.
Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa xusay in Jubaland ay si buuxda u garab taagan tahay ciidamada qalabka sida ee dagaalka adag kula jira Alshaabab, isagoo ku booriyay hay’adaha amniga iyo shacabka in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xasilloonida iyo sugidda amniga.
Booqashadan ayaa imaneysa xilli ciidamada gaarka ah ee Jubaland ay ku guuleysteen howlgallo ka dhan ah Alshabaab oo lagu xaqiijiyay deegaanno muhiim ah, kuwaa oo badi ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.
HBN ONLINE TV