Axmed Madoobe iyo 3 Musharax oo kale oo khudbad u jeediyey Baarlaanka Jubbalnd

Musharaxiinta madaxweyne oo maanta khudbad u jeediyey Baarlamaanka Jubbaland ayaa hadal jeedinadoodii ku soo bandhigay wax qabadkooda haddii loo doorto xilka madaxweynaha ee shanta sano ee soo socota.

Afarta musharax ee isku diiwaangeliyay doorashada la filayo in ay magaalada Kismaayo ka dhacdo Berri oo Isniin ah ayaa waxaa ku jira madaxweynaha hadda xilka haya Axmed Maxamed Islaam.

Hadal jeedinta Axmed Madoobe ayuu ku sheegay in uu xoojin doono ciidamada iyo xoreynta deegaannada Alshabaab kaga harsanyihiin Jubbaland, haddii ay baarlamaanka ay u doortaan xilka madaxweyne.

Sida oo kale, waxaa uu sheegay in uu abuuri doono xasilooni siyaasadeed, isku wadid bulsho iyo arimaha dib u heshiisiinta, taasi oo uu sida uu hadalka u dhigay qeyb ka ah ajendayaashiisa shanta sano ee soo socda.

Guddiga Doorashooyinka qaabilsan Jubbaland ayaa sheegay in keliya ay u diiwaangeliyeen afartan musharrax in maalinta berri ah ay ku loo lamaan doorashada:

1-Axmed Maxamed Islaam Madoobe
2- Faysal Maxamed Mataan
3- Abubakar Cabdi Xasan
4- Dr Cabdi Xasan Xajiin

Musharrixiintaan ayaa la tartami doonna Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo loo badinayo in uu ku guuleysan doonno Doorashada lagu wado in ay berri ka dhacdo Magaalada Kismaayo xarunta ku meelgaarka ah ee Jubbaland.

Musharaxiinta Mucaaradka ayaa sheegay in doorashada Kismaayo ka socota ay u afduuban tahay sida hadalka ay u dhigeen madaxweynaha xilka haya, iyaga oo aan helin shahaadada musharaxnimo ee guddiga doorashada, taasi oo muujineysa in aanay qeyb ka noqon doonin doorashada berri ee 25-ka bisha Nofeembar 2024.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed