Awamiir adag oo la dul dhigay Ciidamada Dowladda ee ku sugan Beledxaawo

Taliyaha hoggaaminaya ciidamada Dowladda Federaalka ee dhawaan sida buuxda ula wareegay degmada istiraatiijiga ah ee Beledxaawo, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), ayaa maanta shir ciidan oo ka dhacay Xero UK kaga hadlay ciidamada ku sugan degmada, isaga oo dul dhigay awamiir adag oo ku wajahan anshaxa, mas’uuliyadda iyo ilaalinta shacabka. “Saacadaan laga bilaabo askarigii amar la’aan xabad ku rida marka laga reebo cadowga waxaan hor geyn doonnaa sharciga” ayuu yiri Janan.

Cabdirashiid Janan, oo garabkiisa ay taagnaayeen mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha degmada Beledxaawo, ayaa si adag ugu dhiirrigeliyay ciidamada in ay u huraan naftooda badbaadada shacabka Soomaaliyeed, ay muujiyaan anshax sare iyo ilaalin buuxda oo lagu kasbado kalsoonida bulshada deegaanka iyo inay mar walba mudnaanta siiyaan difaaca dalka iyo ilaalinta sharciyada dowladda.

Isagoo si toos ah uga hadlayay xaaladihii ka dhashay dagaalkii todobaadkii hore ee ciidamada Jubbaland lagaga saaray magaalada ayuu Janan cambaareeyay falkii lagu jaray adeegyada aasaasiga ah sida isgaarsiinta iyo korontada, isaga oo ku tilmaamay arrin shacabka ku ahayd dhibaato aan loo dulqaadan karin.

“Subaxdii xabaddu bilaabatay caqabadii ina heystay waxaa lagu daray mid shacabka Soomaaliyeed oo ah in Isgaarsiintii iyo korontadii in laga jaray oo qof lacag heysta uu cunugiisa gaajo la seexan waayo” ayuu yiri Janan.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Ciidamadu markii hore ay sameeyeen sida uu hadalka u dhigay go’aan ay ku xakameynayaan colaadda si wadahadal loo furo, balse dhinaca kale uu dagaalka si bareer ah u bilaabay, taasoo keentay in aanay suurtagal ahayn in la iska fiirsado.

Janan ayaa ballan qaaday abaalmarino iyo dalacsiin rasmi ah oo dowladda Federaalka iyo madaxdeedu ay inay bixiyaan, si loogu dhiiri galiyo go’aankii ciidamada magaalada ay ku difaaceen.

Dhanka kale, ciidamada lagu soo bandhigay Xero UK ayaa la arkayay iyadoo laga furay qofyahooda qasnadaha rasaasta, arrintaasi oo loo fasiray hab amni iyo feejignaan dheeri ah maadama ay Ciidamada ku jiraan askar ka soo baxday safka Jubbaland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed