AUSSOM oo ciidamo hor leh u soo diraysa Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday inay toddobaadyada soo socda Soomaaliya u soo dirayso cutub cusub oo ciidan ah, kuwaas oo qeyb ka noqon doona howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee haatan loo yaqaan AUSSOM.

Go’aankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu xoojiyo amniga iyo nabadda Soomaaliya, iyadoo Uganda ay weli ka mid tahay dalalka safka hore uga jira taageerada ciidamada Soomaaliya.

Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Dhulka Uganda, Jeneraal Sare Francis Takirwa, ayaa la hadlay guuto cusub oo askar ah oo loo diyaariyay in ay u safraan Soomaaliya. Isagoo ciidanka ku boorriyay inay muujiyaan edeb, waddaniyad iyo midnimo inta ay ku guda jiraan howlgalka, ayuu ku adkeeyay in ay ilaaliyaan sumcadda ciidamada Uganda iyo xiriirka wanaagsan ee ay la leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Jeneraal Takirwa ayaa carrabka ku adkeeyay in dirista ciidankan cusub ay qayb ka tahay dadaallada lagu taageerayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, isla markaana lagu xoojinayo dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab. Wuxuu sheegay in guutada cusub laga filayo inay gacan ka geystaan sugidda deegaannada laga saaro waxa uu ugu yeeray argagixisada iyo ilaalinta goobaha muhiimka ah ee dowladda.

Tan iyo sanadkii 2007, Uganda waxay ahayd dalkii ugu horreeyay ee ciidamo u dira Soomaaliya, waxaana ay weli ka mid tahay dalalka ugu ciidanka badan ee ka howlgalaya gudaha dalka, gaar ahaan gobollada koonfureed. Ciidamada Uganda ayaa door muuqda ku leh nabad ilaalinta, difaaca xarumaha dowladda iyo taageerada ciidamada Soomaaliya ee dagaalka Al-Shabaab.

Howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika (AUSSOM) ayaa kaalin weyn ku leh dadaallada lagu xasilloonaynayo Soomaaliya. Ciidamada howlgalkaas, oo ka kala socda dalal ay ka mid yihiin Itoobiya, Jabuuti, Kenya iyo Uganda, ayaa si wadajir ah ula shaqeeya dowladda Federaalka si loo xaqiijiyo amniga, loogana hortago kooxda Al-Shabaab ee wali halis ku ah nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed