ATMIS oo saldhig muhiim oo ku yaal xadka Kenya ku wareejisay ciidamada Soomaaliya

Ciidanka Xoogga ayaa la wareegay saldhigga Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo ka mid ah howlgalka ATMIS, xilli wajigii saddexaad uu galay qorshaha lagu dhimayo askarta ATMIS.

Gaashaanle Sare Suleemaan Ibraahim oo ka mid ah Saraakiisha ATMIS ayaa xusay in ciidamada banneynaya saldhiga ee ka soo jeeda Kenya ay wax badan ka qabteen howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo dardargalintooda howlaha muhiimka ah.

Sida oo kale, Gaashaanle Sakariye Maxamed Cumar oo ka socday Waaxda Qorshaynta Ciidanka Qaranka Soomaaliya ayaa isna boggaadiyey hawlaha ciidanka, isaga oo caddeeyey in guutada Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee saldhigga la wareegay ay dadaal xooggan ku bixin doonaan ilaalinta shacabka.

Xafladda ayaa sida oo kale waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin sar sare oo ay ka mid yihiin QM una qaabbilsan Qorshaha Kala guurka iyo Taliyaha Qaybta 2-aad ee Howlgalka ATMIS.

ATMIS ayaa ilaa hadda ku dhawaad 30 saldhig ku wareejisay Ciidamada xoogga dalka, waxaana la dhimay tirada ciidamada 2,000 taas oo qayb ka ah qorshaha kala guurka ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay ansixiyeen ee dhimista wejigii saddexaad.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed