Howlgalka Midowga Afrika ee kumeel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa wareejiyay Saldhigga hore ee Cabdalla Biroole ee Jubaland, kaasoo ah Saldhiggii Afaraad ee lagu wareejiyo Wajiga Saddexaad ee dhimista Ciidamada ATMIS. Ujeedada wareejinta saldhigan ayaa ah in si tartiib tartiib ah loo wareejiyo mas’uuliyadda amniga ee dowladda Soomaaliya.
Munaasabadda lagu wareejinayay ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan ATMIS, kuwaasi oo bogaadiyay sida ay isaga kaashanayaan ciidamada huwanta, dadka deegaanka, iyo saaxiibada caalamka ee howlgallada adag ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee dalka looga xoreynayo.
Wareejinta Saldhigga hore ee Cabdalla Biroole (FOB) ee lagu wareejiyay Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka dhigan tallaabo muhiim ah oo loo qaaday ka bixitaanka Ciidamada ATMIS-ta, iyadoo la raacayo dadaallo badan oo lagu xoojinayo Ciidamada Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa nidaam amni oo adag, isku filan. Iyadoo Soomaaliya ay ku sii socoto wadadii nabadda iyo xasilloonida, iskaashiga u dhexeeya saaxiibada caalamiga ah iyo ciidamada qaranka ayaa weli ah tiir-dhexaadka istiraatijiyadda kala guurka.
Xafladda ayaa lagu soo gabagabeeyay xaqiijinta taageerada iyo wadashaqeynta joogtada ah ee ATMIS iyo hay’adaha amniga Soomaaliya, taasoo lagu tilmaamay sida ay uga go’an tahay xasiloonida iyo amniga Soomaaliya.
HBN NEWS DESK