Askari qof shacab ah u dilay “Maxaad iisoo fiirisay?” oo xukun qisaas ah lagu riday

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku ridday askari Boolis ah oo ka tirsanaa Ciidanka Gaarka ah ee Haramcad, ka dib markii lagu helay dambi ah dil kas ah oo uu ugu geystay magaalad Muqdisho qof shacab ahaa.

Dilkan ayaa dhacay 28-kii bishii June 2025, xilli uu Ex-Dable Boolis Bakar Cabdicasiis Maxamed uu marxuum uga hor yimid agagaarka Masjidka Cali Boolaay ee degmada Waabari, ka dibnna ay qabteen kaamirooyinka CCTV isaga oo toos u tooganaya Marxuum Cali Iskoow Daa’uud.

Sida dacwadda cad, eedeysanaha ayaa si toos ah u toogtay marxuumka kaddib markii uu weydiiyay sida hadalka loo dhigay “Maxaad iisoo fiirisay?”, taasoo dhalisay muran degdeg ah. Kadib dilka, askariga ayaa ku baxsaday mooto Fekon ah, balse isla maalintaas ayaa laga qabtay degmada Cabdicasiis.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa baaris dheer kadib codsaday in la qaado dacwadda, taas oo maxkamaddu oggolaatay 27-kii July. Dhinacyada dacwadda ayaa helay waqti ku filan oo ay ku soo bandhigaan markhaatifur iyo caddeymo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in maxkamaddu ay heshay caddeymo buuxa oo muujinaya in dilku ahaa mid si ula kac ah loo fuliyay, ayna tahay mid qisaas lagu mutaysto. Sidaas darteed, Bakar Cabdicasiis Maxamed waxaa lagu xukumay dil toogasho ah oo ah qisaastii Marxuum Cali Iskoow Daa’uud.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed