Askari ka tirsan ciidamada Puntland oo ku dhintay qarax miino oo ka dhacay gobolka Bari

Ugu yaraan lix askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay qarax miino oo ka dhacay gobolka Bari, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Qaraxa ayaa la sheegay in lala eegtay Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo marayay deegaanka Tasjiic ee Gobolka Bari. Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya in laga yaabo in kooxda Daacish (ISIS) ay mas’uul ka tahay weerarka, kaasi oo dhacay maalmo ka dib markii ciidamada maamaulka ay bilaabeen howlgallo ay ku bartilmaameedsanayaan fariisimaha Daacish ee dhulka buuraleyda ah ee Bari.

Labo maalmood ka hor, mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa booqasho ku tagay deegaanka Tasjiic si ay isugu soo ururiyaan deeqaha xoolaha, si kor loogu qaado sida hadalka loo dhigay niyadda ciidamada ammaanka ee ku howlan howlgallada ka dhanka ah Daacish.

Gobolka Bari ayaa tan iyo markii ciidamada Puntland ay bilaabeen abaabulka dagaal ee ka dhanka ah Daacish, waxaa ku soo badanaya weerarada qaraxyada ah. Weerarkii maanta ayaa u muuqda mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu dhimashada badnaa ee soo mara ciidamada Puntland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed