Askar ka tirsan ciidamada Puntland oo dhimasho & dhaawac loogu gaystay Garoowe

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dhacdo dhimasho iyo dhaawac sababtay oo ka dhacday magaalada Garowe, caasimadda Puntland, halkaas oo askari ka tirsan ciidanka la sheegay in uu rasaas ku furay asxaabtiisa.

Wararka ayaa sheegaya in saddex askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Hoose ee Garowe ay ku dhinteen toogashada, halka laba kalena ay dhaawacmeen. Askariga falka geystay ayaa la sheegay in laga xayiray bajaaj uu watey, taas oo ay ciidamada joojiyeen xilli lagu lahaa cashuur. Isagoo caro ka qaaday, ayuu rasaas ku furay ciidankii mooto bajaajta joojiyay.

Xogta horudhaca ah waxay tilmaamaysaa in askariga toogashada geystay uu sidoo kale qaatay qoriga mid ka mid ah askarta uu dilay, wuxuuna baxsaday kadib falka. Laamaha ammaanka Puntland ayaa bilaabay howlgal lagu raadinayo askarigaas.

Ilaa iyo hadda maamulka Puntland kama aysan bixin faahfaahin rasmi ah oo la xiriirta dhacdada, inkastoo shacabka magaalada Garowe ay si weyn u cambaareeyeen falkaas, iyagoo dowladda ugu baaqay inay si degdeg ah tallaabo uga qaaddo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed